Dagaalkii Gaalkacyo oo meel xun maraya

meel

Dagaal u dhaxeeya ciidamada Dowladda Puntland iyo maleeshiyaadka Galmudug ayaa saaka dib uga qarxay magaalada Gaalkacy, kadib markii maleeshiyaadka galmudug a bilaabeen inay weeraro soo qaadaan.

Magaalada ayaa laga maqlayaa dhawaqa hubka oo saaka ay tahay mid noocyada hubka ka dhawaq dheer kuwii hore, Sababta ka dambaysay mar kale dagaal bilowdo ayaan la ogeyn walow ay hakad gashay kulamadii Odayaasha ee dhexhe.

Wararka hada na soo gaaraya ayaa sheegay Ciidamada Dowladda Puntlandban.

Khasaaraha ayaan la ogeyn inkastoo Subaxnimadii hore a ciidamada Galmudug rasaas ku soo rideen Saldhiga Bari ee Miir waxaana ku dhintay hal Askari.

Magaalada ayaa laga Dareemaya cidlo iyadoo dadweynahii magaalada a iskaga baxeen kana qaxeen maalmahii u dambeeyey iyagoo ka baqayey in dagaalka uu dushooda ka bilowdo.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa ka socday magaalada barakac aad u ballaaran oo ayynynayeen qoysaska ku kala nool koofurta iyo waqooyiga magaalada, iyagoo ka cabsi qabay inay lagu dul dagaalamo.

Dagaalkan saaka DIB UGA qarxay Gaalkacyo ayaa ku soo beegmaya, iyadoo Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo ay xalay WADA hadalo kula yeesheen Garowe Madaxweynaha Puntland C/wali Gaas, iyagoo ka WADA hadlay sidii xiisada Loo qaboojin lahaa, ciidamadana Loo Kala qaadi lahaa, labada maamulna a nabada qaataan